03/11/2019
Dowladda Soomaaliya ayaa xilalkii ka qaadday gaasimayaashii Raadiyow Muqdisho, Wakaaladda Wararka ee Sonna iyo Telefishinka Qaranka;
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Maxamed Maareeye ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdifitaax Daahir Jeyte, waxaana xilka Agaasimaha Radio Muqdisho loo magacaabay Yaxye Cali Faarax.
Sidoo kale Agaasimihii Telefishinka Qaranka SNTV ayaa waxaa laga qaaday Liibaan Cabdi Cali, waxaana loo magacaabay Faarax Salaad Dharaar.
Agaasimaha Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa loo magacaabay Cali Cabdulqaadir Cali Maykal
Wax walba waa lama filaan cajiib ah