25/09/2024
🇹🇩🇺🇸 Chad ayaa beenisay xogta ku saabsan ciidamada Mareykanka ee dhawaan ku soo laabanaya dalkeeda.
Wasiirka arrimaha dibadda Chad Abderaman Koulamallah ayaa gaashaanka u Daruuray Hadal Ka Soo Yeeray Jeneraalka Mareykanka Kenneth Eckman oo ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, taasoo ku saabsan in ciidamada Mareykanka ay dib ugu soo laabanayaan dalkiisa, taasoo lagu eedeeyay codsi uga yimid N'Djamena.
A.Koulamallah Ayaa Yiri: “Ma jiro wax xiriir ah oo dhexmaray waaxyaha ciidamada, si cad ayaana u beenineynaa warkan, kalama hadlin dowladda Mareykanka in ciidamadeeda ay dib ugu laabtaan dalka Chad,”
"Ciidamada Mareykanka waxay horay ula shaqeyn jireen dhinaca Chad qaabka la dagaalanka argagixisada waxayna ka baxeen iyagoon soo laaban ilaa hadda, iyadoo laga duulayo bayaannada ay soo saartay dowladda, taasoo si toos ah u caddeysay arrintan," ayuu yiri wasiirkii h**e ee arrimaha gudaha Chad Ibrahim al Asil.
Waxa uu xusay in ra’yul caamka dalkaasi aysan dan ka lahayn ciidamada Mareykanka, balse ay xoogga saaraan sidii ciidamada Faransiiska ay uga bixi lahaayeen dalka Chad oo noqday goobtii ugu dambeysay ee Afrika ay ka baxaan, kadib markii ay isaga baxeen dalal badan oo Afrikaan ah.