Imam Gas Agency

Imam Gas Agency Enter with a happy heart
May all who enter as a guest
Leave as flower.

18/01/2025

Noloshu waa noocyo badantahay

15/06/2024

Waa goormeh waqtiga ducada malinta carafo?

Waa salada subax laga bilaawo ilaa maqribka
Qaas ahaan duhurka laga bilawo ilaa maqribka Xooga saar oo ku dadaal

■ see u duceysana ?
■ maxana ka bilawaa ?
■ maxana dhahaa ?

Waxa ku siinays dariiqooyin diirada saar dariqoyinkas waayo waa sasbta ducooyinkada lagaaga aqbali doono Insha'Allah

● intaa wali ducada bilaawin waxaa 10 jeer dhaheysaa سبحان الله waxa hadana 10 jeer dhaheysaa الحمد لله ka bacdi waxa 10 jeer dhaheysaa الله اكبر

(Wuxuu yirih Anas ibnu malig Allaha ka rali noqde waxa u timid nabiga ﷺ umu saleym waxeyna tirih : Rasuulikii illahayow waxa i bartaa kalimooyin aa ku duceysto
Wuxuu yirih nabiga ﷺ : waxaa ku tasbiixsata Allah10 jeer waxana ku xamdisaa 10 jeer waxana ku takbirsata 10 jeer kadib waxa weydisata waxa u bahantahay
Waxa uu Allah dhahaya : waan sameyay waan sameyay )
" عن أنس بن مالك قال: جاءت أم سليم إلى النبي صلى الله عليه وسلم، فقالت: يا رسول الله، علمني كلمات أدعو بهن قال: " تسبحين الله عشرا، وتحمدينه عشرا، وتكبرينه عشرا ، ثم سلي حاجتك، فإنه يقول: قد فعلت، قد فعلت "

● waxa dhahdaa :
أللهم إني أسألك بأني أشهد أنك أنت الله لا إله إلا أنت الأحد الصمد الذي لم يلد ولم يولد ولم يكن له كفوا أحد

■ Markuu maqalay nabiga ﷺ nin dhahayo ducadan wax uu dhahay nabiga waxa uu Allah ku weydistay magacisa kan ugu weyn magacas oo haduu wax ku weydisto la sinayo haduu ku duceystana laga aqbalyo ducadisa .

«سمع النبي ﷺ رجلا يقول: اللهم إني أسألك بأني أشهد أنك أنت الله لا إله إلا أنت الأحد الصمد الذي لم يلد ولم يولد ولم يكن له كفوا أحد
فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
لقد سأل الله باسمه الأعظم الذي إذا سئل به أعطى وإذا دعي به أجاب»

● ka bacdi ku duceyso wax walbo aa doneysid iyo wax walbo aa rajeeneysid

● isku day markaa dhameyso duco walbo inaa dhahdid يا حي يا قيوم

▪︎ tusale Allahayow ii danbi dhaaf يا حي يا قيو
waa fahmtay rajenaya .

● waxaa allaha wax ku weydiisata magacyayadiis kuwa Ugu fiican
Yacnii waxa dhaheysaa :
يارحمن ارحمني، يا رزاق أرزقني ، يا عفو اعفو عني

● ku waasi waxee ahayen qaar ka mid ah asbaabaha ducda lagu aqbalo

■ ma aqano waxa ku duceysto ama waxaa ka baqaaya ina hilmamo qaar ka mid ah waxa ku duceysanlahaa ?

● dhib malahan warqat ayaa ku qoron kartaa waxa dhihi laheed hada rabtit xata wax ku qoron karata mobelkada

■ taasi waxee ahayeen asbabooyinka ducada lagu aqbalo waxena kulmisa adunyada iyo aakhirabo

Fg: Xasuusi walalahaga kale iyo axbaabtada khyrka jecel wl .... Mahadsanid.
الدال على الخير كفاعله

28/04/2024

𝐒𝐚𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐢 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐮𝐥𝐞𝐲𝐬𝐨 $𝟑𝟎.
Tottenham 🆚 Arsenal | English Premier League.
𝐒𝐡𝐚𝐫𝐮𝐮𝐝𝐝𝐚𝐡𝐚:
1. Like saar page-ka.
2. Share dheh post-ga.
3. Hal Comment wax ka badan iyo Editba lama xisaabin doono.
4. Saadaalintu waxay ku egtahay marka ay bilaabato ciyaarta.
F.G: Haddii aadan shuruudaha buuxin, qof buuxiya ee kaa dambeeyey ayaa abaal-marinta heli doona.

02/03/2024

Maqaal: Maxaa haray oo la isku haystaa?

Waan salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharafta leh, salaanta islaamka. Dadku wuxuu u qayb sammaa dhowr qaybood marka loo fiiriyo qiyaasta, cabiraadooda iyo aragatidooda ku aadan nolosha, isbadalka iyo aayo ka talintooda.

Qaar arka waxa dhacay oo qura (dhacdooyin h**e/Taariikh)

Dadka noocaan ah wa kuwo mar kasta aragtidooda iyo qiyaastooda ku saleeya wax horay u soo dhacay oo kaliya ama ha arkaan ama ha looga sheekeeyo taariikh ahaan. Tani waxay keentaa in qiyaastooda iyo aragtidooduba mar walba ku meeraysato hal meel oo qura, waxaana markasta ku adag inay horay uga socdaan meeshay joogeen oo ay la yimaadaan aragtiyo ka duwan ku wii h**e iyo isbadal.

Qaar arka wixii dhacay iyo waxa hada muuqda ama jira (Taariikh h**e/Wacyiga manta)

Dadka noocaan ah waxay awood u lee yihiin inay darsaan isla markaana wax ka bartaan dhacdooyinkii horay u dhacay, iskuna xiraan taariikhdii h**e iyo wacyiga hada muuqda si ay u helaan qiyaas iyo cabiraad aragtiyeed keeni karta sidii loo wajihi lahaa dhibaatooyinka jira ee hada muuqda, loona heli lahaa xal waara waqtiga dhow ee muuqda.

Qaar arka waxii dhacay, waxa hada muuqda iyo waxa imaan kara (odoros)

Dadka noocaan ah waxay si fiican u baaraan oo u darsaan wixii horay u dhacay (taariikhda) si ay u helaan isla mar kaana u fahmaan xiriirka dhab ta ah eeka dhexeeya wixii horay u soo maray iyo waxa hada muuqda iyo raadraaca ama saamaynta ay keeni karaan mustaqbalka dhow iyo kan fog labadaba. Dadkani waa kuwo markasta u heelan sidii wax looga baran lahaa taariikhda, isla markaana dadka loo iftiimin lahaa taariikhda madow iyo dhaxalkeeda, ayagoo si cilmiyaysan oo dhexdhexaad ah bulshada u tusayo saamaynta taariikhda madow iyo mugdiga laga dhaxlay. Waxay kaloo bulshada ku wacyi galiyaan saamaynta taariikhda, dhaqamada iyo caadooyinka wanaagsan ee bulshadu leedahay ee qayb ka ah isbadalka iyo horumarka bulshada. Dadkani waxay ka hortagaan oo ay joojiyaan in aysan mugdiga iyo taariikhda madow soo noqnoqon, isla markaana bulshada u jeexan wado cad oo ay dhamaan inta badan bulshadu u fahmaan inay tahay tii looga bixi lahaa mugdiga isla markaana lagu gaari lahaa horumar iyo midnimo.

Qaar aan fahamsanayn taariikhdooda, arag waxa muuqda, mustaqbalkana ka indho xiran

Dadka noocaan ahi uma baahna sharaxaad dheer. Kuwa noocaan ah waa kuwo ku sifoobay indho la’aan, dhago la’aan iyo caqli la’aan intaba.

Su’aasha aan rabo inaan la wadaago akhristayaasha oo in badan maskax dayda ku soo noq noqonaysay waxay tahay: Hadaynu nahay bulshada Soomaaliyeed, afarta nooc ee aan kor ku xusay, keebaynu ku sifownay?

Rabi talo ku filan.



W/Q: Cabdi qani C khaliif

31/01/2024

Soomaaliya oo u bilaawday waa cusub ~ arrin kenya loo aadi jiray oo dhaqaalo badan ku bixi jiray oo dalka la keenay iyo guusha Soomaaliya usoo hoyatay

31/01/2024

Habeen wanaagsan asxaabta

19/01/2024

Jimco wanaagsan asxaabta.

Lipaax qoyay bisad Ha moodin 😂😂Forza mudug luuqa kaso baxa waxi Reer mudug isnoleya nacala shedan kuyal 2-0 come back Wa...
02/01/2024

Lipaax qoyay bisad Ha moodin 😂😂
Forza mudug luuqa kaso baxa waxi Reer mudug isnoleya nacala shedan kuyal

2-0 come back Wali Ah
2-3 😂😂

22/07/2023

DHAQAN JACTID AH : AARGUDSI & XAD GUDUB.

( Learning living without retaliation & violence)

Aargudsiga ( revenge ) waa meerto dheer oo timaado ka dib, marka ay kulmaan waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin: cabsi joogto ah, xanuun iyo dhib raagga, carro gamuurtay, gannuunac aan dhammaan iyo naceyb aan loo aabbo yeelin.

Meertada waxay ku soo af-jarantaa dhimasho oo ah dhammmadka qiimaha aadamiga iyo karaamadiisa, iyo dhib h**e leh oo u bilowda reer kale iyo carruur kale.

Waxaas oo dhan waxay ka dhigtay bulshada Somalida iney u noolaato si ka duwan ummaddaha kale, dhaqan aan weli bislaan-ceyriin ( primative ).

Waxaa raad weyn ku yeeshay dhaqan h**e oo aan la socon karin noloshooda ee casriga ah iyo mustaqbalkooda.

Waxay aheyd inay sidey wax uga barteen dhaqanka aargudsiga iyo xad gudubka ( thoughts of revenge & violence ) oo kale iney wax uga bartaan dhaqamada cusub ee bulshada ama ummadda u baahan tahay maanta sida: ( thoughts of mercy & compassion ) in leysu naxariisto iyo inleys daryeelo dhibka jira oo dhacay awgeed.

26/06/2023

Address

Shibis
Mogadishu
252

Telephone

+252615266164

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Imam Gas Agency posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Imam Gas Agency:

Share

Category