Dr.Genaale

Call Directions Website Contact the business

Dr.Genaale Ku soo Dhawaada Pageka Dr.Genaale

Animal health institute Research and innovation   health institute
15/10/2026

Animal health institute Research and innovation

health institute

Wasiirka Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS oo Kormeer Shaqo ku Tagay Shaybaadhka Xoolaha iyo Xarunta Dhaqashada C...
13/10/2026

Wasiirka Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS oo Kormeer Shaqo ku Tagay Shaybaadhka Xoolaha iyo Xarunta Dhaqashada Casriga ah ee Xaadaw

Wasiirka Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS, Mudane Ibraahim Xasan Cali, oo uu wehelinayay Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Dr Maxamed Gacal ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Shaybaadhka Xoolaha ee magaalada Jigjiga, halkaas oo uu ku soo indho-indheeyay qaybaha kala duwan ee shaybaadhka iyo habsami-u-socodka hawlaha shaqo.

Intii uu kormeerku socday, Wasiirka ayaa warbixin ka dhegaystay shaqaalaha shaybaadhka oo ku guda jiray baadhitaanno lagu samaynayay muunado laga soo qaaday goobo kala duwan. Shaqaaluhu waxay Wasiirka u sharxeen qaybaha shaqo ee shaybaadhka, qalabka casriga ah ee yaalla iyo doorka ay ka qaataan ogaanshaha cudurrada xoolaha, aqoonsiga jeermiska sababa cudurrada iyo go’aaminta daaweynta ku habboon.

Wasiirku waxa kale oo uu kormeeray dhismaha cusub ee Shaybaadhka Xoolaha oo dhawaan la dhagax-dhigay, kaas oo dhismihiisu marayo heer wanaagsan. Xaruntan ayaa la filayaa inay ka qayb qaadato tayaynta adeegyada baadhista cudurrada xoolaha iyo xoojinta ka hortagga iyo xakamaynta cudurrada.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa booqday Xarunta Dhaqashada Casriga ah ee Xoolaha ee Xaadaw, oo ah xarun ballaadhan oo loogu talagalay in ay tusaale u noqoto bulshada, laguna hirgeliyo habab casri ah oo lagu dhaqo laguna maareeyo xoolaha. Xaruntan ayaa lagu wadaa in lagusoo gabogabeeyo muddo 3 bilood ah sida uu sheegay injineerka gacanta ku haya.

Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS

13/10/2026

Thanks for being a top engager and making it on to my weekly engagement list! 🎉

Tahzeeb Rahman, Yaxye Aadan Dheere, Izmail Abdi Ismaiil, Ibrahim Dhaga Cadde, Ayaanle Gadhwayne

Nooca dawooyin iyo cudurada ay ku haboon yihiin
13/10/2026

Nooca dawooyin iyo cudurada ay ku haboon yihiin

Daraasad ku saabsan cudur-sidaha iyo faafitaanka duumada iyo sahan ku saabsan wacyi-gelinta caafimaadka bulshada oo laga...
10/10/2026

Daraasad ku saabsan cudur-sidaha iyo faafitaanka duumada iyo sahan ku saabsan wacyi-gelinta caafimaadka bulshada oo laga sameeyay degmooyin la xulay oo ka tirsan aagga Fafan ee dalka Itoobiya.

“Study on epidemiology of malaria with public health awareness survey in selected districts of fafan zones of Ethiopia”

Waa tee cudurka uu keeno *Mycobacterium bovis*?
10/10/2026

Waa tee cudurka uu keeno *Mycobacterium bovis*?

09/10/2026

Thanks for being a top engager and making it on to my weekly engagement list! 🎉

Mustafe Xanaano, Abdi Hassan Rirash, Aden Omer Abdi, Hassen Ahmed, Cabdimanan Axmad Maxamad

08/10/2026

Izmail Abdi Ismaiil

07/10/2026

Hala badbaadiyo

Daryeelka xayawaanka weli kuma jiraan xeerarka iyo sharciyada qaran ee dalal badan. 🐾Daryeel wanaagsan macnihiisu ma aha...
06/10/2026

Daryeelka xayawaanka weli kuma jiraan xeerarka iyo sharciyada qaran ee dalal badan. 🐾

Daryeel wanaagsan macnihiisu ma aha oo kaliya in xayawaanku ka badbaado cudurrada; waxay sidoo kale u baahan yihiin inay dareemaan raaxo, helaan nafaqo ku filan, ahaadaan kuwo ammaan ah, oo aysan la kulmin xaalado xun sida xanuun, cabsi iyo walwal.

Tani waxay u baahan tahay qaab-dhismeed xaqiijiya xaaladahan iyadoo laga eegayo dhinac ballaaran oo dhammaystiran.

Sababtan awgeed,waa in ladejiyaa heerarka caalamiga ah ee wax ka qabta caafimaadka iyo daryeelka xayawaanka labadaba.

dadka uun maaha

Address

Sayidka Street
Jijiga
06

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Genaale posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dr.Genaale:

Shortcuts

Share

Category