04/25/2020
Booliska Soomaaliyeed waxaa mooddaa in bandowga habeenkii aysan ogeen sababta loo soo rogay!.
Bandowgan ma ahan mid ku yimid xaalad amni ama cabsi laga qabo kacdoon shacab ee waa bandoow xal loogu raadinaayo faafitaan cudur, dadkana lagu kala fogeenaayo.
Waxaa la xiray goobihii la iskugu imaanayay oo idil iyo goobihii ganacsiga marka laga reebo Dukaamada lagu iibiyo raashinka, isbitaalada iyo Farmashiyaasha, si loo yareeyo isu-imaatinka dadka.
Ma sax baa in Booliska ay qabtaan qof hoyaad ah, kaligiis socdo, lugeynaya, ka dibna ay tumaan kuna ridaan gaari Shabaqle ah oo ay saaranyihiin soddomeeyo qof oo kale oo anan wadan waji-xir iyo gacmo-gelis?.
Qofka kaligiis socday ma cudur baa loo soo jiiday mise caafimaad marka ciqaab looga dhigay in shabaqle lagu rido oo ay saaranyihiin dad badan oo aan la hubin caafimaadkooda?.
Maadaama Bandowgu uusan aheyn mid ku yimid xaalad amni ama cabsi kacdoon shacab; maxaa diidaya in qofka shaqadiisa kusoo daahay, waqtigana uu ku dhacay in uu iska lugeeyo marba haddii aysan jirin meel uu fadhiisan karo ama ku caweyn karo?.
Farmashiilaha, ama Dukaanlaha ku ganacsado Dabka ee daggan Buulaxuubeey, laguna wargeliyay in uu shaqeysan karo xilliga uu doono, marka uu shan saac habeenkii soo xirto meesha, oo uusan heli karin Bajaj qaaddo, haddii la qabto isagoo lugeynaayo meeshii ay Booliska ku qaadi lahaayeen gawaaridoona ma in ay tumaan oo ay shabaqle ku qaataanaa?.
Haddii dhaqanka Booliska uusan u ekaan nooca Bandoow ee madaxdu iclaamiyeen, soo iyaga qeyb weyn ka qaadan maayaan faafidda cudurkaan halista ah?.
W/Q:- ABDIFATAH OMAR'