Dr. Yahye mohamed

Dr. Yahye mohamed Profisional General medicine of farm animal alone with study

A veterinarian is a general physiciant gynaecologist, dermatologist, paediatriciant, pathologist, parastologist, Anaesth...
15/04/2020

A veterinarian is a general physiciant gynaecologist, dermatologist, paediatriciant, pathologist, parastologist, Anaesthetist, Radiologist, general surgeon, Orthopedic surgeon, Neurologist.
for many in cow, buffalo, sheep an goat, dog, camel, pig, rabbit, pet bird, avian, horse and all wild animal species..
- Morever we're Nutritionist, poultry spp, wildlife workers, food technologist, extension workers, Reasearcher And Administrators in farm animal.
- I don't want prove that veterinarian knowns everything but everybody should fell that, it is not easy to remember all this subject inside a single brain, and to apply them in paractical field.
- Did you expect human doctors in Dermatologist to perform an intramedullary pinning or any other Orthopedic surgery, or a human doctors in Nutritionist to perform an Eye surgery or caeserian sectors..
- A veterinarian have to attend all the disease in camel, swine, poultry, sheep an goat, cattles and also fight with deadly zoonosis disease like Avian influenza, Anthrax, brucellosis, tuberclosis, etc.
Some disease like Parvo virus, CRD, GID, ICH, BQ, ANTHRAX, TETENUS, bruchorplueropnuemonia in cattle, PPR, serve brain injury from road accident and so many are almost non curable, but they use to says that veterinarian killed my animal!! sometime they're use to say that veterinarian has done wrong treatment to my animal, it is possible by an animal owner to know this vast science to judge a veterinarian.!
it is realy hurts when you can cure morethan 500 patients and you are blammed only if 1 or 2 dead which where in bad condition, they says veterinanrian are not known their works..
-Veterinarian are not god that they will cure everything..
- I love my professional and I'm proud tobe a veterinarian..

Ivermectin
07/04/2020

Ivermectin

Daaweynta nimcoolayda khaastan Geele.
09/03/2020

Daaweynta nimcoolayda khaastan Geele.

Best time to sleep
28/02/2020

Best time to sleep

Our focus is to enhence our life backbone which is livestock and livestock products welcome all vets and doctors
14/12/2019

Our focus is to enhence our life backbone which is livestock and livestock products welcome all vets and doctors

Cellular adaptation p@  Like iyo share
06/12/2019

Cellular adaptation p
@

Like iyo share

26/11/2019

Aduunyo waa loo dad badsadaa!
============================
Nin oday ah baa maanta wuxuu iiga sheekeeyay sababta uu ugu halqabsado markasta Aduun waa loo dad badsadaa. Wuxuu ii sheegay in sannadkii 1980-kii isagoo jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar oo ay hal qol ku degen yihiin 4 wiil bishuna ay dabayaaqo tahay, oo aysan ijaarkii gurigana ayan haysan, ileyn ma shaqeeyaane cid dibada wax uga soo dirtana aysan jirin oo uu walaac xoogan hayo oo ku saabsan sidii wax la yeeli lahaa, ayaa wiilashii mid ka mid ah goor subax ah ayuu wuxuu aaday garoonka diyaaradaha ee Magaalada Qaahira oo ay maalintaas imaneysay Dayuurada Somali Airline si uu dadka imanaya uga wareysto xaalada dalka ka jirta.

Wiilkii ayaa Airport-kii kula kulmay gabar Soomali ah oo meel ay aado iyo cid ay ka taqaano Qaahira aysan jirin, wiilkii baa gabadhii soo kaxeeyay oo Sadexdii wiil oo guriga jooga u keenay.

Wiilashii baa aad u farxay iyagoo u mooday gabadha in ay wiilka ku ehel tahay ayna dibada ka timid kana bixin doonta Ijaarka. Gabadhii beey qolkii uga soo baxeen, wax yar ka dib gabadhiibaa qubeys gashay, intii ay qubeysaneysay beey wiilkii weydiiyeen qoftii noo kala kicin lahayd maad noo keentay sidee wax u jiraan gabadhu maxeey kuu tahay?

Wiilkii baa yiri gabadhan waa gabar Soomaaliyeed oo aan maanta aiportka kula kulmay oo meel ay aado iyo cid ay ka garaneyso meesha ma jirto, gabar walaasheen ah oo dayacan meel ugama tegi karno buu yiri.

Wiilashii mid ka mid ah baa yiri ma ogtahay in gurigan ay 10 cisho keliya nooga dhiman tahay xagee geyn doontaa marka, wiilkii baa yiri gabadhan dhib ma arkeyso oo Soomali kale oo naga dhaqaale fiican baan u geynayaa inta ka horeysana waxaan qabno beey nala qabtaa.

Habeenkii markii ay wada casheeyeen beey seexdeen, subaxdii markii la soo toosay ayuu wiilkii gabadha wareystay xaladeeda iyo sida ay Qaahira ku timid.

Gabadhii baa u sheegtay wiilkii in Airpotka Roma laga soo celiyay oo ay Talyaaniga u socotay halkaas oo uu ku sugayay walaakeed oo degan Magaalada Torino, sababta loo soo celiyayna ay ahayd iyadoon wadan lacagta passporka ugu qoran oo dhameyd $2000.

Gabadhii ayaa wiilkii weydiisay in uu ku caawiyo in uu telephone ugu diro walaalkeed oo Italy jooga ka dibna Postaha ayeey isu raaceen, Gabadhii baa walaakeed la hadashay, walaalkeed wuxuu ahaa wiil Misione (Iskadhal) Soomaali iyo Talyaani oo isku hooyo beey ahaayeen weligoodna isma arag. Wiilkii Taliyaaniga ahaa ayaa gabadhii ku yiri aniga ayaa Qaahira kuugu imaanayo 7 maalmood ka dib waana ku soo kaxeynayaa.

Wiilkii ayeey asbuuc ka dib Airportka ka dooneen markii uu soo degay ayuu wiilkii walaashiis xabadka ku qabtay isagoo ilmo ka socota oo af Taliyaani ku dhahayo hooyo ayaa igala kaa dardaarantay inta aan dunida joogo in aadan dhibtoon.

Ka dibna weey is soo raaceen oo waxeey yimaadeen xaafadii wiilasha, Wiilkii Taliyaaniga ahaa ayaa walaashiis wareeystay xiriirka ka dhexeeya iyada iyo wiilasha isagoo u mooday in ay qaraabo yihiin, markaas beey ku tiri wiilashanaan anigoo Qaahira airport meel aan ka aado garan la' beey iga soo kaxeeyeen oo wax aan Soomalinimo aheyn nagama dhaxeyso, Alle ka sakow weey i badbaadiyeen. Wiilkii baa Gabadha walashii ku yiri abaal beey nagu leeyihiin ee maxaan u sameeyaa?

Markaas beey ku tiri gurigan ay degan yihiin ijaarkiisa ma haystan bishana waxaa ka dhiman 4 maalmood, culayskaas baa saaran, wiilkii Talyaaniga ahaa baa ilmo ka soo daadatay isagoo la yaaban dad iyagaba dhib ku jiro oo haddana u gurmanayo gabar ayan aqoon, markaas buu yiri ijaarka meeqa waaye waxaa loo sheegay in ay kiradu tahay $150 bishii markaas buu walaashiis ku yiri u sheeg wiilasha waxbo yeysan welwelin aniga ayaa sanad ka shubaayo kirada.

Marka haddii uu wiilkaas gabadha noo keeni lahayn xaalkeenu ma fiicnayn marka sidaas ayaan ugu halqabsadaa Aduun waa loo dad badsadaa.

Dhacdadan waxaan ka fahmi karnaa in ummadda Soomaaliyeed ay yahiin dad walaalo ah oo is jecel oo is caawiya, isu gacan furan oo isu gurmada.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Abdi Aziz Arale

Address

Deero Road
Burco

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Yahye mohamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dr. Yahye mohamed:

Share

Category